Kindu Gezu, oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Itoobiya, ayaa sheegay in dalkiisu dib u heli doono marin-badeedkii uu horay u lumiyay, gaar ahaan marin uu ka helo Badda Cas, taasi oo ah farriin toos ugu socota Eritrea.
Isagoo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen saraakiil hore oo milatari iyo Boolis ah oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayuu sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay inay dib u hesho marin-badeedkeeda, iyadoo adeegsanaysa diblomaasiyad, sharciga caalamiga ah ama waddo kale haddii loo baahdo buu yiri.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriirka Itoobiya iyo Badda Cas uu soo jiray kumannaan sano, isla markaana luminta marin-badeedku ay tahay arrin uu ku tilmaamay mid taariikhda Itoobiya dhaawac weyn ku ah, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka ninkan ayaa walaac hor leh ka abuuray Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Eritrea oo leh xeebta ay Itoobiya dooneyso inay marin ka hesho sida laga fahmi karo hadalka taliyaheeda badda.
Wuxuu ku adkeystay taliyahan in dowladdiisa aysan weligeed ka tanaasuli doonin doonisteeda ah inay hesho marin ay Badda Cas ka gasho, hadalkiisan ayaana si weyn loogu xiriiriyay dekedaha Eritrea, gaar ahaan Cassab.
Dowladda Eritrea, ayaa dhankeeda si adag uga hortimid hadallada Itoobiya, iyadoo sheegtay in madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed aysan ahayn mid laga gorgortami karo.
Wasaaradda Warfaafinta Eritrea, ayaa sheegtay in dalkeedu xaq u leeyahay inuu is difaaco haddii la soo weeraro ama la isku dayo in xoog lagula wareego dhulkeeda. Waxay sidoo kale ku eedeysay Itoobiya inay doonayso inay hesho marin-badeed iyadoo cadaadis iyo hanjabaad adeegsanaysa.
